Marka koowaad, Guriga waa meesha ugu horeysa ee saameynta ku leh caafimaadka caruurta
Hadii ay noqoto waxa ay cunayaan
Inta saacadood ay hurdaan
waxaa muhiim ah in waalidka uu ka warqabo maxaa caawin kara caruurta si ay ugu koraan caafimaad qab
waxan kula wadaagayaa 3 talo oo saldhig ah dhismaha difaac xoogan oo ay helaan caruurta inta ay da’yaryihiin
1. Isku dheelitirka cuntada: jirku wuxuu ubaahanyahay vitimiinaad, macaadin & canaasir kale si loo soo saaro unugyo awood badan, hadaba sii caruurta Vitamin A oo laga helo cuntooyinka kala ah ukunta, beerka, bataati macaanka & karootada. SIDOKALE vitamin B oo laga helo : Liin macaanta, barbarooniga & Strawberries
2. Biyo ku filan maalintii: biyaha waxay ka hortagaan inuu haraado jirka sidaa darteed
ku dadaal inay qaataan ugu yaraan 800ml oo biyo ah
3. Ciyaar: ciyaartu waxay ka qayb qaadataa wareega dhiiga, waxayna uwanaagsan tahay unugyada difaaca. badanaa caruurta laga ilaaliyo dhaqdhaqaaqa waxa la ogaaday inay unugulyihiin xanuunada.
Fariintaan waxay kaaga timid dheyman health solutions.